Dowlada Turkiga oo DFS ka codsatay in aysan ujawaabin Abiy

Sida aan xogta ku helay Dowlada Turkiga,ayaa ka codsatay DFS in aysan ka jawaabin hadalkii Abiy ka horjeediyay Baarlamaankiisa.

Turkidu,waxay la wadaageen Somalida in uu hadalka Abiy yahay isbadbaadin Siyaasadeed oo uusan nuxur kale lahayn waxna udhimi karin heshiiskii lawada gaaray.

Hadalka Abiy,waxa uu daaran yahay Sadex Qodob oo kala ah…..

1.Dajinta Dadka Itoobiyaanka ah,maadaama horay uu ugu sheegay wax kale.

2.Badbaadinta Muuse Biixi,maadaama 3-dii Bood ee kala ahaa July.Aug iyo Sep ee olalaha Doorasho uu ku geli lahaa ictiraaf baan keenay laga fashiliyay.

3.Ka jawaabida hadalkii Xasan jeediyay ee ahaa “Itoobiyaankaa codsaday in Ankara lawada tago”.

DFS,way ku khasban tahay in ay udheg raariciso BC,sababtoo ah maba hayso awood aan Diblomaasiyada ahayn oo ay isku difaacdo…

1.Maleh Ciidan Lug oo Xuduud xiri kara.

2.Maleh Ciidan Badeed oo Xuduud xiri kara.

3.Maleh Ciidan Cir xuduud xiri kara.

Somalidu,waxay ubaahan tahay Hogaamiye Siyaasada ku mideeya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading