Dowlada Xamar oo ka laabatay codsigeedii xiritaanka Xaafiiska UNSOM Somaliya

Dowlada lumisay Sharciyada ee Xamar fadhigoodu yahay,waxay soo tuurtay Warqad kale oo ay kaga laabatay codsigeedii xiritaanka Xaafiiska UNSOM.

Doodeeda,waxay kusoo ururisay dib uqiimayn halagu sameeyo shaqada Xaafiiska Unsom ee Somaliya.

Dib uqiimaynta horayba,waxaa uwaday isla QM,waxaana dhici karta in Magaca iyo Shaqada Xaafiiska wax laga badalo.

Waxaa jiray xiriir dhexmaray Xasan iyo Xoghayaha guud,kaasoo si cad loogu sheegay Xasan in Xaafiiska Siyaasada QM aan la xirayn oo Somalidu weli ubaahan tahay taageero.

Markii horeba,waxay ahayd go’aan lagu degdegay oo aan laga fiirsan oo masuuliyad dari ah.

In laga laaban doono,waa layska ogaa,waxaase sii bahdilmay diblomaasiyadii awalba Dhulka taalay ee Somaliyed.

Markale 15-Sano kadib caalamku,waxaa ucadaatay in aanan weli soo kaban oo aysan wax noo kordhin,isla markaana masuuliyad nalagu aamini karo aysan jirin.

Somalidu weli kama midaysna amniga iyo Siyaasada ilaa la gaaro midnimo Amni iyo Siyaasadeed oo Dowladnimadu awood uyeelsto hanashada Labadaa Qodob baahida loo qabo QM waa jiraysaa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading