ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.
Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa lafilayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta dalkaasi Itoobiya.
“Marka aan bilowno dhoofinta,waxaan awoodaynaa in aan soo saarno ilaa 1 Billion oo Dollar,waxaana kordhaya daqliga oo gaaraya 6 ilaa 7 Billion sanadkiiba”, Ayuu yiri wasiir Koang Tutlam
Heshiiskaasi ayaa waxaa u kala saxiixay Yonis Cali Guuleed oo ah wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Itoobiya,waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay fursado shaqo abuur iyo kobac dhaqaale u noqon karto bulshooyinka labada dal,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.