Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo shuruud ku xiray shirka Farmaajo ku baaqay

War ka soo baxay golaha iskaashiga dowladda gobolleedyada oo dhawaan ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, ayaa sharuud ku xiray ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu yahay in 17ka bishan leysugu yimaado.

Warka ka soo baxay golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa lagu sheegay in ay ka qeybgali karaan shirkaa marka la hello oo kaliya cid kale oo saddexaad oo dhaxdhaaxdisa iyaga iyo dowladda iyo damaannad qaad buuxa oo siyaasadeed.

Sidoo kale golaha iskaashiga ayaa dalbadaya in marka hore ay tahay in leyku afgarto ajandaha shirka iyo goobta lagu qabanayo sababo amniga la xiriira awgood.

Sidoo kale golaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in garwaaqsato baahida deg deg ah ee loo qabo in xal waara oo kama danbeys ah laga gaaro khilaafka taagan si markaa loo badbaadiyo dalka iyo dadka intaba.

Halkan ka akhriso:-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading