Dowladda Federaalka oo cambaareysay Hoobiyayaashii ku dhacay degmada Wadajir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018,waxayna Dowladda Federaalka tacsi tiiraanyo leh direysaa Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka,iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

Sidoo kale,Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida deg deg ah ay uga jawaabeen dhacdada.

Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin in weerarkaan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo beegmay maalinta xornimada Soomaaliya,maalin ay farxad iyo damaashaad u ku jiro Qarankeenna iyo dadka intaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku celineysaa in falalka argagixisanimo aysan Soomaaliya ka saari doonin waddada nabadda iyo dhismaha dawlad-goboleedyada, waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa sida ay uga go’antahay inay dhisto mustaqbal ammaan ah oo barwaaqo ah.

Xigaasho SONNA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading