Dowladda Jabuuti oo beenisay inuu xanuunsan yahay Madaxweyne Geelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, oo qoraal ku baahiyay bartiisa twitter-ka ayaa beeniyay wararka sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay liidato.

Wasiir Mahamoud Youssouf ayaa sheegay in madaxweynaha lagu samaynayo baaritaan caafimaad “sababtuna ay tahay nasasho la’aan maadaama uusan dalka ka bixin xagaagii oo dhan.”

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan wararka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog. Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jiro walwal gaar ah oo la qabo” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Jabuuti.

Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxa la isla dhex qaadayay warar sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu ay liidato oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Paris.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading