Dowladda Libya iyo mucaaradka oo heshiis xabad joojin ah ku kala saxiixanaya Moscow

Ergooyin ka kala socda dowladda uu caalamku aqoon sanyahay ee Dalka Libya iyo hogaamiyaha mucaaradka General Khaliifa Xaftar oo gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdaan.

Xabad joojintan waxaa horay ugu dhawaaqay madaxwaynayaasha dalalka Ruushka iyo Turkiga oo lakala safan labada dhinac ee isku hayo dalka Libya.

Colaada dalka Libya ayaa sara u kacday bartimihii sanadkii hore kadib markii ciidamo daacad u ah General Xaftar ay soo weerareen magaalada caasimada ah ee Tripoli halkaas oo fadhi u ah dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading