Dowladda Mareykanka oo ka hadashay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab Oo ka dhacay duleedka Kismaayo

War ka soo baxay Taliska Militariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu sheegay inay duqayn ka gaysteen waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii ee la soo dhaafay.
 
Taliska Mareykan ee Afrika ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntan lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa, kaasi oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.
 
Maraykanku ma sheegin qasaaraha rasmiga ah weerarkaasi ka dhashey, hase yeeshee waxay sheegeen inay iskaashi la sameeyeen dawladda Soomaaliya si duqayntaasi loo gaysto.
 
Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo lagu bartilmaameeedsaday maleeeshiyaadka ururka Al-Shabaab.
 
Mareykanka ayaa sii kordhiyay weerarara ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka uu soo saaray go’aanno ku aadan xoojinta bartilmaameedka Shabaab,si loo taageero dowladda Fadaraalka Soomaaliya

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading