DOWLADDA PUNTLAND OO DIB-U-FURTAY KULIYADDA BARASHADA KALLUUMEYSIGA

Bosaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga .

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .

Madaxweynaha ayaa intii ay munaasabadda socotay shahaadooyin guddoonsiiyey 4 Arday oo Dowladdu deeq waxabarasho ugu dirayso dalka dibeddiisa kuwaasi oo waxbarashada heerka labaad (Master) kusoo baran doona cilmiga Badda iyo kalluumeysiga .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale .

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading