Dowladda Talyaaniga oo dib ula laabatay Mashruuc biyo-xireen loogu sameyn lahaa Beledweyne (Warbixin)

Dowlada Talyaaniga ayaa dib u celisay lacag gaaraysa lix malyan oo dollar taasoo la doonayay in loogaga dhiso biyo xireen magaalada Beledweyne, sida uu baahiyay Wargeyska Republic ee kasoo baxa Dalka Talyaaniga.

Wargeyska Republica ayaa sheegay laalista Mashruucan ee Dowladda Talyaaniga ay timid kaddib markii muddo sannad ah ay ka warsugaysay Dowladda Soomaaliya in ay soo gudbiso Mashruuca nooca uu noqonayo.

Hase yeeshee Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshablle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Beeraha Dowladda Federalka oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa beeniyay in lacagahaas dib loola noqday.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in dhammaan dukumintiyadii loogaga baahnaa Dowladda Federaalka ay gudbiyeen.

“Ma jiro heshiis aan kala saxiixanay dowlada Talyaaniga balse waxaa uu ahaa mashruucan mid is-faham labada dhinac ay gaareen dowladana waa ay gudbisay dhammaan dukumintiyadii loogaga baahnaa.”ayuu yiri Wasiirka Beeraha dowlada federalka Siciid Xuseen Ciid.

Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan Gobalka Hiiraan, inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa muddo laba sano.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sanadihii ugu dambeeyay dhibane u noqotay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle iyo Biyo yareynta Wabiga, waxaana haatan Magaalada Beledweyne ka taagan Xaalad adag oo ka dhalatay Fatahaada Wabiga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading