Dowladda Zimbabwe oo diiday tallaalka COVID-19 ee Johnson-Johnson

Dowladda Zimbabwe ayaa diiday saddex Milyan ee tallaalka Johnson & Johnson ee cudurka COVID-19, oo lagu sameeyay Dalka Ingariiska, kaas oo dhawaan loogu deeqay.

Zimbabwe ayaa sheegt in aysan hayn qaboojiyayaal ay ku keydiso tallaalka oo u baahan heer-kul aad u qabow, wallow lagu eedeeyay Zimbabwe in ay siyaasadeysay.

Xiriirka London iyo Harare ayaa aad u xumaa tan iyo sanadkii 2002-dii, kaddib markii UK ay xayiraad dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka ah ay kusoo rogtay Saraakiil kamid ah Dowladda Zimbabwe, kuwaas oo ay ku eedeeysay xadgudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo ku shubasho doorasho.

Jibril Qoobey


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading