Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyi Tacliinta sare ee Puntland,ayaa magaalada Gaalkacyo ka qayb galay kulan lagu dhiirigalinayey Ardayda Dugsiga Masaarida ee Gaalkacyo.
kulanka waxaa jooga Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiyaha Waxbarashada G Mudug, Duqa Deg Gaalkacyo, Iskuduwaha Wasaarada Ganacsiga G.Mudug,Madax hore,Siyaasiyeen, aqoon yahano,Waaridiin.

Wasiirka,ayaa xusay in macaliniinta Masaarida la geeyey Gaalkacyo, Jariiban, Heema, Burtinle, Baran iyo Eyl.
Sidoo kale,wuxuu ku dhiirigaliyey Deegaanada kale inay buuxiyaan shuruudaha lagu furo Dugsiyada Masaarida.

Dhamaan ka soo qayb galayaasha,ayaa umahadnaqay macalimiinta,Safaarada Masar ee Somaliya iyo Dowlada Masar.



Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.