Dukhayn dhanka cirka ah oo markale ka dhacday Dalka Suuriya

Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobaneeyo kale oo ay caruur ku jiraanna ku dhaawacmeen, weerar dhinca cirka ah oo lagu qaaday deegaannada ay maamulaan mucaaradka ee gobolka Idlib ee dalka Suuriya.
 
Kooxda dhinaca xuquuqda aadanaha ee kor kala socota dagaalka sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay dalka Ingiriiska, ayaa ku warrantay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday xaafadda Zardana oo ku taalla waqooyigalbeed ee gobolka Idlib.
 
Wariye ka tirsan wakaalada wararka Faransiiska ee AFP oo ku sugan Idlib ayaa sheegay in isbitaallada la geeyay dhaawacyada dad isugu jira dumar, caruur, waayeello iyo waliba qaar ka mid ah shaqaalaha gurmadka.
 
Duqeymaha dhinaca cirka ah ee gobolka Idlib ayaa bilooyinkii dhawaa ahaa kuwo soo noq-noqday. Idlib ayaa waxaa isugu tagay tobannaan kun oo barakacayaal ah oo isaga kala yimid meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Suuriya.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading