AMSTERDAM (IDIL NEWS)-Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Dowladaha hoose ee Puntland Axmed Siciid Muuse, ayaa gaaray Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland.
Guddoomiyaha iyo Masuuliyiin uu Hor-kacayo ayaa waxaa Holland kusoo dhaweeyay Xubnaha ugu sareeya Jaaliyadda Puntland ee Dalka Holland.
Duqa Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe Axmed Barre, ayaa Dalka Holland uga qeyb-galaya Shir looga hadlayo Hormarinta Degmooyinka, kaas uu kamid yahay xubnaha lagu Casuumay.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.