Duqii shaqada laga joojiyay Ee Gaalkacyo oo wada dadaal uu dib ugu soo laabanayo

Duqii Gaalkacyo ee shaqada laga joojiyay waxuu wadaa xod-xodasho uu Hanti dhawrka ku laalushayo si shaqada loogu soo cesho.

Hanti dhawrka,ayuu min 300$ siiyay ragii ka socday ee loo xil saaray baarista Hantida ku maqan.

Saahid waxuu qorshaynayaa in Hanti dhawrku beri soo saaraan warqad ay dib ugu fasaxayaan shaqadiisa.

Arinkan waxaa si hoose ula wada Dhabancad Wasiirka A.Gudaha.

Shacabka Mudug oo aad uga caraysan warkan oo soo baxay 24-kii saac ee lasoo dhaafay,ayay ubadan tahay in caradoodu Kacdoon shacab isku badasho.

Saahid markii uu khasnada D.Hoose soo xaalufiyay,waxuu usoo gudbay Lacag xoog leh oo loogu tala galay la dagaalanka Corona Virus,isagoo samaystay Magacyo been abuur ah oo uu Lacagta ku lunsado.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading