Duulimaadyada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saacado hakad galay

Dib u dhac muddo kooban ah ayaa ku yimid shaqada safarrada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maanta kadib markii shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka rakaabka ay sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha.

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda amniga Golden Horn Security lala galay wadahadal laguna qanciyey inay shaqada dib u billaabaan.

Shaqada garoonka ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay. Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin murakan keenay dib u dhaca hawlaha amniga xammuulka diyaaradaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading