Ecowas oo qarka usaaran in ay weerarto Saraakiisha Afganbiday Dowlada Niger

Urur Goboleedka ay ku bohoobey Wadamada Galbeedka Afrika,ayaa shaaciyay in Ciidamadoodu udiyaarsan yihiin talaabo Milleteri oo ay ka qaadaan Saraakiisha Afgenbiday Dowladii Dimuqraadiga ahayd ee Niger.

Dhanka kale,waxay warka ay soo saareen ku dareen in ay furan yihiin Albaabada Diblomaasiyada.

Hadalka Ecowas,ayaa loo arkaa mid dhinacna cadaadis looga saarayo kuwa Afganbiga sameeyay,halka dhinaca kale la siinayo fursad ay dib ugu laabtaan Xeryahoodii.

Maraykanka,ayaa sheegay in uu ka wal wal qabo Nolosha Madaxweynaha la Afganbiyay iyo Qoyskiisa,waxuuna Blinken si cad umuujiyay walaac xoogan oo ka jira Caafimaadka Madaxweynaha,waxuuna udigay saraakiisha hogaaminaysa inqilaabka.

Ecowas,waa Urur Goboleed xoogan oo horay faragelin ugu sameeyay,Wadamada kala ah…

1.I Vory Coast.
2.Liberia
3.Mali.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading