Ehellada Qoyskii Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo dib u helay Guri xoog looga haystay .

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Maanta Ehellada Qoyskii Madaxweynihii hore eeSsoomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed Ku Wareejiyay Guri xoog Looga Haystay in Mudda ah Kaas oo Ku yaal Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa Tilaabadaan Qaaday Waxa uuna sheegay in aan Loo dul Qaadan doonin Guryaha La kala haysto.

Ehellada Marxuum C/llaahi yuusuf Axmed ayaa umahadceliyay Gudoomiyaha Gobalka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa jira dad aad u tiro badan oo guryahoodii xoog looga haysto magaalada muqdisho kuwaasoo aan helin cadaalad iyo dawladd awood leh oo dib ugu soo celisa hantidoodii .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading