Eng. Camey oo laga guddoomay waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir, ayaa waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya Eng. Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey, kaas oo ay magacowday DFS.

Danjire Cabdixakiim Xaaji Cumad Camey, ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Koonfurta Sudan, dhambaal salaan ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS ee muddo-xileedkiisa dhamaaday, isagoona uga mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Dalka Koonfurta Sudan.

Eng. Camey ayaa horey u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, waxaana lagu bedelay Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading