Eray markale calaamad su’aal saaray Da’da Biden oo kasoo fakaday

Biden,waa mid ka mid ah Siyaasiyiinta taariikhda Maraykanka meel sare ka galay oo ku dhawaad Nus Qarni u adeegayay Qaranka balse haatan la liic liicaya Da’da.

Xilli xun oo uu ku jiro olole Doorasho iyo xagsashada in uu sii ahaado Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweynaha Maraykanka laguna cadaadinayo in uu isku dhex yaacay oo ay tahay in uu tanaasulo,ayaa eray kasoo Fakaday.

“Isagoo ula jeeda MW Ukrain,ayuu ugu yeeray MW Putin,inkastoo uu deg-deg isku saxay hadana khaladka Saxaafada horteeda iyo caalamka,ayuu uga dhacay”.

Doodii uu lagalay Trump;ayaa lagu dhaliilay in ay aad uhoosaysay oo ay muujisay awood yari hogaamineed.

Shirka Nato ee Maraykanka,ayaa la filayay in uu ka faa’idaysto oo kabasho Siyaasadeed ka helo,balse ,isagana eraygan,ayaa dilay.

MW Maraykanka oo ah MW Caalamka marka laga duulayo saamayntiisa Biden in uusan sii ahaan karin,ayay umuuqata marka la qiimeeyo Da’da ka daba timid.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading