Erdogan iyo dhaxal-sugaha Imaaraadka oo wada-hadlay!

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhaxalsugaha Abu Dhabi Mohamed Bin Zayed ayaa wada hadalo khadka taleefanka dhex maray, kaddib muddo sanado ah oo xariirka labada dal uu aad u xumaa.

Labada hoggaamiye ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan dhowr arrimood oo isugu jiray kuwa Caalamka iyo Gobolka, waxayna diiradda saareen dib u eegista xoojinta xiriirka labada dal.

Ankara iyo Abu Dhabi ayaa khilaafkooda xumaa sanadihii u dambeeyay, waxaana ay kala taageereen kooxaha fikirka iska soo horjeeda muddo sanado ah, iyadoo Turkigu uu taageerayay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, gaar ahaan Ikhwaanul Muslimiinka oo ka qayb qaatay kacdoonkii Gugii Carabta, halka Hoggaamiyeyaasha khaliijka ay ka walwalsanaayeen in kacdoonka iyo xasillooni -darrada inay dalkooda soo gaarto

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading