Madaxweynaha Turiga Erdogan oo ku dhowaaqay golihiisa wasiirada cusub ayaa u magacaabay Beraat Albayrak oo ah wiil uu soddog u yahay Wasiirka Maaliyada.
Golihiisa wasiirada ayaan laga bedelin xilalkooda Wasiirada Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu.
Madaxda kale ee xilalka loo magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku xigeen Fuat Oktay halka wasiirada kale ay kamid yihiin hogaamiyaasha ururada aan dowliga ahayn,ganacsato iyo lataliyaal hore.
“Turkiga waxa uu horumarin doonaa dhinac walba sida dimuqraadiyada,xuquuqda aasaasiga ah,xoriyada,dhaqaalaha iyo maalgelinada.”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo qudbad ka jeedinayay munaasabbada lagu caleema saarayay oo ka dhacday magaalada Ankara.
Erdogan ayaa loo dhaariyay markale madaxtinimada dalka Turkiga kadib markii uu ku guuleystey doorashada guud ee ka dhacday dhowaan dalka Turkiga
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.