Erdogan”Waa in u midownaa Xaalka Qasa hadaan Dunida Islaamka”

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay “Dunida Islaamka” inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Qasa.

“Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan?” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaano ka tirsan xisbigiisa AKP.

“Israel khatar kuma ahan Qasa oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.”

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in ruuxdeeda ay ku dhimatay Qasa.

“Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada Midoobay waxay ku dhimatay Qasa,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeeshay weerar lagu hoobtay oo ay Israel ku qaadday xero barakacayaal oo ku taalla galbeedka Rafah Talaadadii, kaasi oo ay ku dhinteen 21 qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca madaniga ah oo ku sugan Qasa.

“Ma jirto dal ammaan ah ilaa iyo inta aysan Israel raaceyn sharciga caalamiga ah oo aysan dareemeyn in uu qabanayo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo ku celceliyay eedeymaha ah in Israel ay “xasuuq” ka geysanayso Qasa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading