Ethopian Airline oo dulimaadyo ka bilaabaysa Garoomada Gaalkacyo iyo Boosaaso

Shirkadda Dulimaadyadda Diyaaradaha ee Ethopian Airline, ayaa Shaaca ka qaaday in Garoomada Diyaaradaha ee yaalla Degaanada Puntland ay dhowaan ka bilaabi doonto Dulimaadyo toos ah.

Shirkadda Ethopian Airline oo Warkan ku daabacday boggeeda Booking Online, ayaa tilmaamtay in Garoomada Diyaaradaha ee Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ay ka bilaabi doonto Dulimaadyo toos ah, taas oo beeninaysa war kasoo yeeray Puntland oo ahaa in dulimaadyada Shirkadani ay ka sameynayso Boosaaso iyo Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Mr. Gabiley, oo dhowaan la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Diyaaradaha Itoobiyaan Airline, ay 15 bisha July, Dulimaadyo ka  bilaabayso Garoomada Diyaaradaha ee Garoowe iyo Boosaaso, wallow shirkaddu ay shaaca ka qaaday in dulimaadyadeedu yihiin Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo dhowaan tagay Addis Ababa ayaa heshiis la gaaray Madaxda Shirkadda Itoobiyaan Airline, taas oo suura-gelisay inay Shirkaddani Dulimaadyo ka bilowdo Degaanada Puntland oo baahi weyn oo dhinaca socdaalka ah ay ka jirtay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading