Faah-faahin Koox Hubeysan oo Haweeney ku dishay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Koox Bastoolado wadatay ayaa Xalay Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dishay Haweeney ka mid aheyd Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Lagu Magacaabo Kaaho Jaamac Cilmi.
 
Dableeyda Dilka geysatay ayaa la sheegay in Dukaan ay ku laheyd Xaafadda Seybiyaano Marxuumada la dilay ay Gudaha ugu galeen islamarkaana ay ku dhex dileen.
 
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Xalay illaa Saakay Baaritaano ka wada Qeybo kamida Degmada Hodan,kuwaas oo baadigoob ugu jira Dableeydii Dilka geysatay.
 
Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay Dilal Qorsheysan oo loo geysto Ciidan iyo Dad Shacab ah intaba.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading