Faah faahin – Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya juga qarax laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Isgoyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa lagu xiray Gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan,isla markaana waxaa uu qarxay xili uu marayay agagaarka Isgoyska KM 4,waxaana ka soo baxaya warar duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay Nin saarnaa gaariga qarxay,waxaana loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninkaas ku dhaawacmay qaraxa uu ahaa Turki,kaasi oo Muqdisho u joogay howlo shaqo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaasi oo xiray halkaasi,waxaana muddo kooban hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka Wadada,hayeeshee markii dambe dib ayuu u soo laabtay.

Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay bilaabay  bisha Barakeysan ee Ramadaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading