Faahfaahin Culumada Gobolka Wardheer lagu laayay

Lix dhallinyaro oo ka mid ahaa Culumada Xerta,ayaa lagu dilay Masaajid ku yaalla Magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Wardheer ee Dawlad Deegaanka Somalida.

Dadka Dilka geystay,ayaa baxsaday,waxa uuna Dilkan daba socdaa Aanooyin u dhaxeeya Labada Beelood ee Ibraahim iyo Ismaaciil Gumcadle oo kawada tirsan Beesha Mikaahiil ee Ogaadeen.

DDSI oo isku dayay in uu colaada Labada Beelood soo afjaro,ayaysan usooroobin,waxayna haatan wararku sheegayaan in Colaada la siyaasadeeyay oo ay soo dhexgashay loolanka Kuraasta hogaaminta Deegaanka.

Lixda Wadaad ee Maanta la dilay,waxay isku hayb yyihiinWasiir hore Cabdifitaax Sh.Biixi oo warar soo baxayay maalmahan ay sheegayeen in uu noqon doono MW Deegaanka.

Wararku,waxay intaas ku darayaan in Cabfitaax Walaalkiis oo Ganacsade ah uu xiriir dhow la leeyahay Maamulka Oromada ee Itoobiya ka taliya xiligan,taasina ay keentay in Abiy qaato Walallkii.

Si kastaba ha ahaatee Colaadan,waa mid sokeeye oo aad udhibadan,isla markaana aan looga baahnayan Deegaanka.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading