Faahfaahin:-Deni oo ku dhawaaqay Wajigii Labaad Ee Dagaalka argagixisada

Khudbad qiimo badan,waaqiciya,dareen damqasho leh wadata,soo gudbinaysa digniino amni iyo kuwo jiritaan Umadeed oo Dadka midaynaysa,ayuu jeediyay Madaxweyne Deni….

1.Wuxuu ku dhawaaqay Wajigii 2-aad ee hawlgalku in uu dhamaaday Maanta oo 27-ka Febraayo ah.

2.Wuxuu ku dhawaaqay Wajigii 3-Aad ee hawlgalka in uu bilaabanyo Berri foog oo 28-ka Bisha Febraayo ah.

3.Wuxuu ku dhawaaqay in ay 7-Cisho Laamaha amaanka isku soo dhiibaan Dadki gudahai kala Shaqeeyay argagixisada.

4.Wuxuu ku dhawaaqay in ay 7-Cisho isku soo dhiibaan Ajaanibta argagixisada ah ee dagaalka ku jirta.

5.Wuxuu umahadceliyay Ciidamada Difaaca Puntland.

6.Wuxuu ugu baaqay Shacabka Puntland in ay sii wadaan taageeradooda Ciidamada.

7.Wuxuu si dadban usheegay khataro jiritaanka Dowladnimada PL ka dhan ah in ay Daacish waday.

8.Wuxuu sheegay in Gantaallada la qabtay ay ka mid ahaayeen qorshaha Daacish ku qabsanayso Bosaso oo ay ku burburin lahayd Difaacyadeeda.

9.Wuxuu bogaadiyay Ciidamada Somalida ee Qaybaha kale ee Wadanka ka wada dagaalka argagixisada.

10.Wuxuu ugu baaqay Qaybaha Shacabka iyo Masuuliyiinta in ay Wadanka badbaadiyaan.

11.Wuxuu udigay DFS ku tumashadeeda Dastuurka iyo qorshaheeda aan lagu midaysnayn.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading