Faahfaahin dheeriya Qaraxii Bosaso ka dhacay

10-Qof,ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Qaraxa oo sida la sheegay ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda darajada koowaad,ayaa dadka ku dhaawacmay waxa ay u badan yihiin dad rayid ah, waxaase sidoo kale ku jira ilaalada Maxkamaddaasi.

Wararka laga helayo saraakiisha amaanka oo aan la xiriirnay,ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxu uu ahaa Gaariga Gudoomiyaha Maxkamada Abuukar Cabdinuur oo aan goobtaba joogin.

Qaraxa,ayaa ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda darajada koowaad,dadka ku dhaawacmay waxaa ku jira talyihii ilaalada Maxkamada iyo garoosre,waxaase inta badan khasaaruhu soo gaaray dad rayid ah oo ganacsi ku haystay agaagrka Maxkamada.waxaana jira sidoo kale burbur hantiyeed oo uu sameeyay qaraxaas.

Qaraxan ayaa ku soo beegmayo ku dhawaad bil uun markii duqeyn lagu beegsaday saraaakiil sare oo ka tirsan kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee Daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah Puntland.

Sidoo kale Dukhayn ay iska kaashadeen Puntland iyo Maraykanka,ayaa lagu dilay 13-dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish maalmo ka hor sida uu xaqiijiyay Taliska Africom.

Waxaa muuqata in Puntland sii laba jibaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading