Faahfaahin Doorashada Golayaasha Deegaanka 3-Da Degmo Ee PL

Doorashada Sadexda Degmo majirto Xisbi kaligii soo dhisi kara Duq Magaalo oo helay Cod ku filan.

Garowe oo Caasimada Puntland ah Xisbiga KAAH,ayaa hayay Duqeeda,haatan ma helin Xubno ku filan oo uu markale ku hanan karo Duqa Caasimada.

Sida muuqata,waxuu ku khasban yahay in uu la midoobo Xisbiyada kale oo ay awood qaybsi samaystaan.

Xogo,ayaa sheegaya in Mideeye oo kale rabo Wasiir Dowlada Dhexe ah hadii uu Xubnihiisa ku taageerayo Duqa KAAH wadato.

Sidoo kale,waxaa jira Xisbiyo kale oo danaynaya in KAAH uga tanaasusho Duqa Godob jiraan ama Dangoronyo,iyaguna ay uga tanaasulaan kan Caasimada.

Si guud Doorashada Sadexda Degmo,waxaa ugu horeeya Xisbiga KAAH,balse majirto Degmo uu ka helay Codad ku filan,taasoo muujinaysa in Doorashadan lagu loolamay oo ay hufnayd.

Xaqiiqdii PL,waa cusub,ayaa ubaryay oo nidaamkeedu qaaday,kaasoo Dhiig cusub ku shubay Siyaasadeeda oo dhadhan uyeelay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading