Faahfaahin Garaacistii Buuraha Bari Xalay Ee Maraykanka

10-Bartilmaameed,ayaa la garaacay si rasmi ah,waxaana khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada 7-Xarumood oo ka mid ah 10-ka Bartilmaameed ee la garaacay.

48-Xubnood oo argagixisada ah,ayaa la dilay oo 12 ay Ajaanib tahay ayna ku jiraan Saraakiil Sar sare.

Garaacista Cirka,waa sii soconaysaa Maalmahan,waxaana la sugayaa Maalmaha soo socda warbixinta khasaaraha oo ay Wadajir usoo saarayaan Maraykanka iyo Puntland.

Wajigii 1-Aad,waxaa nagala qaybgalay hawlgalka oo Saadka,Xogta,Tababarada iyo Garaacista Cirka naga caawinayay Dowladaha Imaaraadka,Kenya,UK iyo Itoobiya,waana uga Mahadcelinaynaa.

Dowladaha Imaaraadka,Kenya iyo Itoobiya, waxay kaloo sameeyeen oo aan abaal ugu haynaa in ay iska Dhagatireen codsi Xasan ka yimid oo ahaa in ay soo marsiiyaan isaga Saadka iyo Hubka PL la siinayo.

Wajigii 1-Aad,waxaa argagixisada looga nadiifiyay Dhul gaaraya 200-km,waxaana looga furtay 63 Talis,iyadoo looga dilay 67-Maleeshiyo loogana dhaawacay 84-kale.

Waxaa laga xiray Sadex Jid oo ay ugu imaan jirtay Sahayda kala duwan….

B.Dhanka Badda oo Ajaanjbta iyo Qalabka Casriga ah ay uga imaan jirtay,waa la jaray oo Ciidan,ayaa dagay Aaga Qandala,Buruc iyo Bacaad.

T.Dhanka Dhulka Tasjiic oo ay uga imaan jirtay Sahayda Raashinka Awrta ku rarran,waa la jaray.

J.Dhanka Turmasaale oo ahayd Dhuunta ugu weyn ee Saadka argagixisada soo marto,waa la jaray.

Haatan argagixisada,waxay ku jirtaa go’doon,waxayna Ciidamada Difaaca Puntland ka fadhiyaan Sadex Jiho.

Wajiga 2-Aad,waxaa si firfircoon ugu soo biiray Maraykanka,iyadoo Trump Saxiixay $500 Milyan oo lagula dagaalamayo Cadowyada Maraykanka ee ay ku jirto Daacish.

Hawlgalka sifaynta argagixisada guul weyn,ayuu keenay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading