Faahfaahin heshiiska Dowladaha Itoobiya iyo Somaliya Ee Ankara

1.BC oo Kenya kasoo wareejisay dhexdhexaadinta,kadib markii ay ogaatay in aysan ku filnayn.

2.Maraykanka iyo UK oo si cad utaageersanaa kulanka.

3.Itoobiya oo Shirka la timid in loo sii daayo MOU-ga.

4.DFS oo diiday lana timid Shirka dood adag oo ka dhan ah MOU-ga.

5.Dood adag oo ka dhacday kulanka.

6.Turkida oo door macno leh qaadatay.

Maxaa la gaaray?

B.Wareeg Labaad oo wada hadal in layskugu yimaado September iyo Turkiga.

T.Itoobiya in ay hakiso wada hadalkii SL ee MOU-ga ilaa kulanka danbe.

J.Turkiga oo damaanadqaad ka noqday heshiiska,taasoo udhiganta in Wadankii ka baxa waxa lagu heshiiyay in uusan xurmayn Dowlada Turkiga.

X.Dowlada Turkiga oo qoordhiibasho ka saxiixday Labada Wadan ka hor intuusan furmin wada hadalku.

Maxay Somaliya ka faa’iday?

In Diblomaasiyad lagu hakiyay qorshihii Muuse Biixi oo Itoobiya Gacmaha la qabtay.

Maxaa laga rabaa DFS Somaliya?

In dib loo bilaabo wada xaajoodkii SL iyo DFS ee Turkigu dhexdhexaadinta ka ahaan jiray.

In ay hakiso DFS dhamaan arimaha khatarta ku ah Maamulka SL.

Yaa guulaystay?

1.Dowlada Somaliya oo ay ku jirto SL oo MOU-gu uusan dan ugu jirin.

2.Dowlada Turkiga oo martigelinta lahayd.

3.BC oo riixaysay wada xaajoodka.

4.Itoobiya oo leh dano Qaran oo waa weyn.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading