Faahfaahin Hubka lagu weeraray Degmada Bookh Ee DDSI

Hubka,waxaa lahayd Dowlada Puntland,waxaana galbinayay Ciidamo Liyuu Booliska DDSI ah,kuwaasoo keenay Degmada Bookh.

Waxaa weeraray,Dhalinyaro Tuulooyinka iska soo urursaday oo qorshaystay sidii Hubkii CW in ay dhacaan.

Balse Ciidanka Hubka ilaalinayay,ayaa si adag udagaalamay oo difaacay,waxaana Sakaayba gaaray Ciidamada PL oo aad uhubaysan,kuwaasoo lasoo wareegay Hubka.

Dhalinyarada weerartay Hubka,waxay ka kala yimaadeen Tuulooyinka Marqaan,Buuhoodle,Qaawane,Jiracle,waxyana kasoo kala jeedeen Beelaha Dhulbahante iyo MJ/RB.

Hubkan,waa adeeg caadiya oo Nidaamka uga yimaada Warshada Hubka ee Itoobiya oo Caalamku u ogol yahay Maamulada Masuulka ah ee Somalidu in ay la macmiilaan.

Waxaa jira xog sheegaysa in Dhalinyaradan Hubka xogtiisa ay la wadaageen Dad gudaha PL jooga,iyagoo rabay in Shacabku bililiqaysto sidii Hubkii CW.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading