Faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud,ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 Qof ay ku dhinteen tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacntay, dagaal u dhaxeeya Laba Beelood.

Dagaalka,ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Qalanqale iyo Laandheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo qarxay arroornimadii hore ee Maant, ayaa waxa udhaxeeya Beelaha Dir iyo Mareexaan,wuxuuna salka ku hayaa Aanooyin Qabiil .

Sidaanoo kale ayay marar dhawr ah Labadan Beelood ugu dirireen Deegaamadaas mana jirin xal Nabadeed oo la dhex dhigay.

Ciidamada Dowladda Fadaraalka ah iyo kuwa Galmudug,ayaa loo diray Deegaanka dagaalku ka socdo si ay u kala dhex galaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading