Faahfaahin kulanka Xisbiyada Siyaasada Puntland.

Shalay,ayuu soo bilowday,saakay ayay markale iskugu soo laabteen,Jimcaha way nasanayaan,waxayna soo Afmeerayaan Sabtida.

Maxay ku heshiiyeen?

1.100% in ay Dimuqraadiyada kawada qaybgalaan oo ay Doorashada wada aadaan.

2.Waxay si buuxda oo iswaafaqsan ugu xaqiijiyeen PEC in ay Doorashada kawada qaybgalayaan oo ay bilaabi karto wacyigelinta.

Maxay weli dhiraandhirinayaan?

1.Gudoomiye Jabiye oo arimo yaryar xalisanaya oo wakhti la siiyay.

2.Gudoomiyaha Xisbiga Mustaqbal Siibad iyo ku xigeenkiisa Cabdikaafi oo khilaafkooda xalintiisa wakhti la siiyay.

Ugu danbayn Sabtida,waxay soo wada saari doonaan Warmurtiyeed ay si buuxda Doorashada ugu Aadayaan Lixda Xisbi.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading