Faahfaahin Maamulaha xigeenka Jaamacada EA Ee lagu dilay Bosaso

Khaalid Cali rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxuu ahaa Madaxa Maamulka iyo Maaliyada Jaamacada Bariga Afrika ee Puntland.

Khaalid Maanta,ayaa lagu dilay Bosaso,isagoo Gurigiisa sii galaya.

Ciidanka Boolisku,waxay Gacanta ku dhigeen Ninkii Dilka gaystay,waxayna daba joogaan Laba kale oo la fuliyay Dilka.

Sida xogo hoose aan ku helay Dilkiisu ma’ahan fal argagixiso ee wuxuu xiriir la leeyahay dhacdo ka dhacday Jaamacada.

“Waxaa jiray Sadex Nin oo Jaamacada Qaybteeda Maaliyada ka Shaqaynayay oo Lacag $30-kun ah la goostay,kadib Khaalid oo ay hoos imaanaysay Qaybtaas,ayaa soo xiray kana qabtay Lacagtii qayb ka mid ah oo dhan $15-kun,Qaybtii harsanayd,ayuu usoo aaday Bosaso si uu uga xareeyo Nimanka oo lagu balamay”.

Waa Danbiyada dhaca ee ka dhex dhaca Bulshada.

Waxaa macno samaynaysa in Ciidanka Boolisku durba ka hawlgaleen.

 

Halkan ka daawo muuqaalka Khaalid oo Arday

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading