Oromadan,waxaa lagu qabtay Aaga Qardho,iyagoo lagu daadshay..
Gawaari,ayaa looga soo qaaday Laascaanood agteeda,waxaa lasoo marsiiyay Dhulka Hawdka ah,kadibna,waxaa lagu daadiyay Deegaan Baadiyaha ah oo udhow Laamiga isku xira Bosaso iyo Qardho.
Koox Tahriibin ah,ayaa ka dilaacday Laascaanood,kuwaasoo Oromada PL celisay ee dib usoo laabanaya ururiya oo meel duleedka Magaalada ah iskugu geeya kadibna tahriibin ku geliya Bosaso.
Ciidanka Booliska,ayaan xogtan la wadaagay Laba Maalmood ka hor,waana laga hawlgalay,waxaana la qabtay 500 oo Oromo ah,iyadoo Qardho Gawaari laga saaray oo Wadankoodu lagu celiyay.
Raafka Oromada ee ay PL bilowday,ayaa abuuray fursad Lacag laga samayn karo Tahriibintooda,waxaana Mashruucaas ku dhaqaaqay Dhalinyaro hubaysan oo Shaqo la’aan hayso oo reer Laascaanood ah.
Hubka faraha uagalay Dhalinyarada iyo Dhaqaale la’aanta baahsan ee ka jirta halkaas,waxay sababi karaan khataro amaan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.