Faahfaahin Qaraxa ka dhacay goor dhawayd Magaalada Muqdisho

Goor dhaweyd waxa qarax weyn laga maqlay bartamaha Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Qof goobjoog ah,ayaa sheegay in Qof walxaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay dibadda maqaaxi aan ka fogeyn Aqalka Dawladda Hoose.

Gawaarida gurmadka degdegga ah,ayaa goobta gaaray, iyadoo la bilaabay in goobta laga qaado dadka waxyeeladu soo gaartay.

Illaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay qaraxa, iyo halka uu bartilmaameedka.

Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay iyagoo bilaabay baaritaan la xiriirra sida ay wax u dhaceen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading