Faahfaahin Qaraxa ka dhacay Magaalada Istanbul Ee Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii cambaareeyay “Weerarka uu ku sheegay mid waxashnimo ah” oo ka dhacay bartamaha Istanbul, kaas oo uu sheegay inay ku dhinteen lix qof.

Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul maalinta oo Axad ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 38 kalena, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya.

Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhacay wax yar kadib 4-tii galabnimo, kaas oo ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal oo ay inta badan dalxiiseyaasha iyo dadka deegaanku iskugu yimaadaan.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa muujinayay holac ka kacay goobta.

Jugta qaraxa ayaa sidoo kale laga maqlay meelo fog fog.

Waddada Istiklal ayaa waxaa hore u saameeyay weerarro xiriir ah oo lagu bartilmaameedsaday Istanbul sannadihii 2015-2016 oo ay sheegteen kooxda Daacish.

AFP.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading