Faahfaahin Qaraxyada Bosaso Todobaadkan kusoo kordhay

Qaraxyada Bosaso,waa kuwo la farsameeyay oo maxali ah,sida aan ku ogaaday baaris aan sameeyay.

Waxaa laga sameeyaa Afka hore ee Qoriga Hoobiya,waxaana laga maamulaa oo lagu xiray Taleefoonka Gacanta,iyadoo Albaabada Xarumaha Ganacsiga la dhigo.

Cida adeegsata ma’ahan argagixisada ee waa koox ka mid ah Ciidamada oo Siyaasadu saamaysay.

Ujeedka ay ka leeyihiin,waa in Dowladu usoo istaagto iyo in ay ka dhigtaan xogo amni oo ay udiraan Gacmo shisheeye.

Xalay,Qaraxii ugu danbeeyay goobtii uu ka dhacay,waxaa lagu qabtay Sarkaal ka tirsan Ciidamadaas.

Bosaso,waxay ubaahan tahay dhawr arimood..

1.Ciidanka Sirdoonka oo la xoojiyo Qalabkooda iyo Dhaqaalahooda.

2.Dhamaan Ciidamada gudaha ugu jira oo laga saaro.

3.Xogaha Isgaarsiinta iyo dabagalka laga helo oo laga hawlgalo.

Wax weyn ma’ahan Qaraxyada socda oo waa Ciidanka dhexdiisa hadii si hoose looga hawlgalana lasoo afjari karo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading