Faahfaahin samaynta Santuukha horumarinta Puntland

Somaliya,waxaa wax loo qaybiyaa Sadex qaybood oo kala ah…

1.Somaliland.
2.Puntland.
3.Bartamaha iyo Koonfurta.

Dowladihii Faroole iyo Gaas oo xeerinaya in Dowladnimada Somaliya soo kabashadeedu dhaqaaqdo,ayaa tanaasul ka sameeyay arimo dhawr ahaa…

1.In Somaliya KMG laga saaro oo loo aqoonsado Dowlad rasmi ah.

2.Heshiiskii Baydhabo ee Khayraadka.

3.Usoo wareejinta Xamar Hawada Somaliya.

4.Barnaamijkii (New Deal).

Haatan Dowlada Deni hogaaminayo way ka hawlgashay ka daba taga arimahaas lagu deg-degay Saxiixooda.

Way ku guulaysatay Qodobo dhawr ah,iyadoo iska caabisay cadaadiskii BC iyo dagaalkii Villa Somaliya.

PL waxay ku adkaysatay in dib loogu laabto wax qaybsigii Sadexda Waaxood ilaa inta laga helayo Dowlad Somaliyed oo masuul ah.

BC ,way aqbashay doodii PL,waana mida keentay in la yagleelo Golaha horumarinta Dhaqaalaha PL oo noqon doona…

1.Santuukh lagu shubo dhaqaalaha horumarinta PL.

2.Xarun uhawlgasha soo jiidashada maalgashiga.

Golahan,waxaa Gudigiisa Xubno ka noqon doona Wakiilo BC ah si kalsoonida lagu qabo kor loogu qaado.

PL way diiday in Mashaariicdeeda Xamar lagu farataysto oo Calaal yar loosoo gudbiyo.

Sidoo kale way diiday in ay usii dulqaadato Siyaasadaynta Mashaariicda horumarineed.

Wadankan inta uu yeelanayo Dastuur ilaaliya xuquuqaha Muwaadiniinta oo xakameeya hogaamiyaha aan masuulka ahayn PL way Madax banaanaanaysaa.

Jobril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading