Faahfaahin Shilka uu ku geeriyooday Madaxweynaha Iran

Muuqaalka hoose waa Xafladii uu kala qayb galay dhigiisa Aserbijan inta uusan Shilka diyaaradeed ku dhiman Madaxweynihii Iran.

Burburka diyaarada gaaray iyo gurmadka oo saacado badan qaatay marka la qiimeeyo rajada in ay cidi diyaarada ka badbaaday waa yarayd oo xitaa hadii dhaawac jiray ,waxaana aad udheeraa Saacadaha raadinta.

Helitaanka burburka diyaarada,waxaa ka saaciday Satarlaydka Midowga Yurub iyo Turkiga diyaaradiisa casriga ah,taasoo markay gurmadka soo gashay wax kayar laba Saacadood kusoo heshay halka diyaaradu ku dhacday.

Dhacdadan,waxay qaawisay Iran,waxayna muujisay halka ay dhigeen Wadaada xagjiriinta ah Wadankii soo jireenka ahaa Ee Iran.

15-Saacadood haday qaadatay helida Raqda Madaxweynihii oo waliba Quwado shisheeye ay ka caawiyeen maxaa loo qaban karaa Muwaadinka caadiga ah ee reer Iran?

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading