Faahfaahin Shirka aan caadiga ahayn Ee Wadamada IGAD

Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxaa saaka oo Khamiis ah ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn.

Shirkan ayay iskugu imaanayaan Madaxda Dalalka IGAD,waxaana looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Somaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamud iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac,ayaa shalay gaaray magaalada Kampala.

“Madaxda Urur-Goboleedka IGAD,ayaa kaga arrinsanaya faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya”Ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading