Faahfaahin socdaalka RW Itoobiya Ee Suudaan

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa gaaray Magaalada Port Sudan,isagoo booqanaya dalka ay colaaduhu aafeeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii ay colaaddu ka qaraxday Sannadkii hore bishiisii Abril.

Sawirro ay baahisay warbaahinta Dowladda,ayaa muujinaya inuu la kulmay Madaxa Ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo hoggaamiyaha Milatariga Jeneraal Cabdul Fattax al-Burhan.

Itoobiya oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta oo inta badan lagu eedeeyo in uu taageero Ciidamada RSF,ayaa haddana waxaa muuqanaya in Addis Ababa ay xiriir adag la lahayd Madaxda Ciidamada bilihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, khudbad uu dhawaan baarlamaanka ka jeediyay,Abiy wuxuu wacad ku maray in maamulkiisu uu ilaalinayo isla markaana aanu fara gelin ku sameyn doonin siyaasadda iyo arrimaha dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Itoobiya lafteeda,ayaa hadda wajaheysa colaado dhinacyo badan leh balse waxa ay sidoo kale martigelineysaa Tobanaan kun oo rayid ah oo ka cararay dagaalka Suudaan.

Ilaa hadda ma cadda in socdaalka Abiy in uu qayb ka yahay dadaallada lagu nabadeynayo Suudaan,iyadoo dagaallada socda ee u dhexeeya Ciidanka iyo RSF ay sii socdaan dad badanna ay ku dhimanayaan maalin walba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading