Faahfaahin Socdaalka Xasan Shiikh Ee Wadamada Bariga Africa

Madaxweynaha JFS Xassan Shiikh Maxamuud,ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqashooyin isdaba joog ah ku kala bixiyay, Wadamada Uganda, Brundi iyo Jabuuti.

Sadexdan Dal,ayay Ciidamo ka socdaa qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee wakhtigu ka dhamaanayo Bisha December ee Sanadkan.

Xogaha laga helayo Safarada Xasan Shiikh,ayaa tilmaamaya in ay ku salaysan yihiin ujeedooyin ishuwan hadana kala duwan.

Uganda iyo Burundi,waxa uu kala hadlay in ay la qaataan ka mid noqoshada Masar hawlgalka. Cusub ee badali doona kan ATMIS oo wakhtigu ka dhamaanayo.

Jabuti,waxay kulmeen Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen Sadex Qodob oo kala ah….

1.Jabuti in ay kusoo biirto isbahaysiga Asmara.

2.Hawlgalka ATMIS oo wakhtigu ka dhamaanayo.

3.Siyaasada Somaliya oo Geelle talo ku leeyahay.

Inta badan socdaallada Xasan Shiikh wax macno badan uleh Dalka iyo Dadka kama soo baxaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading