Faahfaahin weerarka argagixisadu ku qaaday Super Market-ka Macruuf Bosaso

Waxay ahaayeen Sadex Nin waxa weerarka kusoo qaaday Al-macruf Super Market Bosaso.

Intaysan gudaha usoo gelin Super Market,waxay irida ku dileen Waardiyihii oo lagu magacaabi jiray Faruur.

Waxay ku dhaawaceen Hal Wiil,waxaa kaloo jira dhaawacyo Dabku sababay.

Dad badan kuma le’an,waxaana yareeyay Geerida wakhtiga weerarku dhacay oo aan ahayn xiliga Macaamiishu ka adeegato Super Marke,isla markaana Shaqaaluhu rawaxay.

Bambooyinka argagixisadu ay ku tuurtay gudaha Super Market,ayaa sababay Dab balaaran oo la damin kari waayay.

Waa markii ugu horaysay xarun Ganacsi oo sidaa ubaalaran argagixisadu weerarto marka laga reebo Bambooyin Tuurya ah oo ay samayn jireen.

Al-macruuf waa Super Market-kii ugu horeeyay Bosaso,waxaana macaamiishiisa ka mid ah Taliska Ciidanka Badda iyo tababarayaashooda.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading