Faahfaahin weerarka ka dhacay Magaalada Qudus

Ammaanka,ayaa sare loo qaaday Magaalada Quddus ka dib toogashada Saddex Qof iyo dhaawaca16 kale.

Afhayeen u hadlay Booliiska Israa’iil,ayaa sheegay “Dadka dhaawacmay, Saddex ka mid ah waxay ku sugan yihiin xaalad halis ah inta soo hartayna waxaa soo gaaray dhaawacyo heerar kala duwan ah”.

Boolisku waxay sheegeen in weerarka ay fuliyeen Laba argagixiso oo hubaysan, oo walaalo ah oo 30 jir ah, waxayna ka yimaadeen xaafadda Zur Baher ee Bariga Jerusalem abaaro 07:40 wakhtiga maxaliga ah.

Kooxda weerarka geysatay ayaa Toogtay Dad rayid ah oo ku sugnaa Boosteejooyinka Basaska iyo goobaha gaadiidka laga raaco.

Labada Nin ee Toogashada fuliyay,ayaa u adeegsaday Qoriga M-16 iyo Qori kale oo Gacanta lagu qaato.

Waxaa xusid mudan in Laba Askari oo Israa’iili ah oo aan shaqada ku jirin iyo qof rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu weerarku ka dhacay,ayaa sababtay in Labada Nin ee weerarka soo qaadday la toogto.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading