Faahfaahin weerarka lagu qaaday Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

Warar dheerada,ayaa ka soo baxaya is-rasaasayn ka dhacday gudaha xarunta xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis kala duwan.

Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashanle sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, howlgalka ayaa la soo afjaray ka dib rasaas xooggan oo muddo saacad ka badan ka dhex socotay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wuxuu Afhayeenku sheegay in ragga dagaalamayey ay tiro ahaan dhammaayeen shan ka tirsan maxaabiistii ku xirnaa Xabsiga.

Afhayeen Cabdiqani,ayaa sheegay in raggii dagaalamayey oo shan ahaa dhammaantood lagu dilay dagaalkii ka dhacay goobta.

Waxaa kale oo intaa ku diray in Ciidamadda ay ka dhinteen Saddex Askari halka dhaawucu uu gaarsiisan yahay 21 isugu jira maxaabiis iyo askar. Saddeex iyo tobban ka mida tiradaas waa maxaabiista sida uu Afhayeenku u sheegay.

Sidoo kale Wararka,ayaa intaa ku daray in dadka dhaawaca uu ku jiro sarkaal ka tirsan qaybta Baanbayda ee Ciidanka Asluubta.

Wuxuu intaa ku daray in ragga dhintay ay hore ugu tirsanaayeen ururka Al-shabaab basle ma bixin faahfaafin intaas ka dheer.

Taliska Asluubtu wali war kama bixin sida Raggan ay ku sheegeen Maxaabiista ay ugu suura gashay in hub Gacantoodo galo ka dibna ay ku dagaalamaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading