Faahfaahin weerarka Xarunta Dowlada hoose Ee Gobolka Banaadir

Qaraxyo iyo rasaas,ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir ee Muqdishu oo ah xafiiska duqa magaalada.

Qaraxa ugu horreeyey ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka oo ku wajahan suuqa Mogadishu Mall.

Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inay maqleen ilaa saddex qarax.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay wadaan hawlgal. Dawladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin weerarkan.

Khasaare,ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarkan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading