Faahfaahin weftiga Milleteri Ee Maraykanka ee kasoo degay Bosaso

Maanta Saacada Bosaso markay ahayd 12:40 Duhurnimo ayay yimaadeen weftigii Ciidamada Maraykanka ahaa.

Waxay ka koobnaayeen Talyaha Africom,ku xigeenkiisa,3-Sarkaal,15-Askari iyo 3-Turjumaan.

Waxay la kulmeen Maanta Ciidmadii PSF ee dhanka Dowlada usoo wareegay oo gaaraya 250-Askari iyo 30-Sarkaal oo Qalabaysan,isla markaana diyaarsan.

Sida ay ii sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo,way garteen Saraakiisha Maraykanku Ciidamada,wayna ku qanceen in ay yihiin kuwii ay tababareen oo ay wada Shaqayn jireen.

Xoguhu,waxay sii sheegayaan in Ciidanka loo dhiibi doono Sarkaal ay isla qaateen PL iyo Maraykanka dhawaan.

Weftiga Milleteriga Maraykanka ee Africom,waxay sii joogayaan Bosaso ilaa Beri,waxayna la wareegi doonaan Qayb laga siiyay Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo ay Saldhig ka dhisanayaan dhawaan.

PL macno,ayuu ulahaa Socdaalkan Saraakiisha Maraykanka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading